Howgalka AMISOM oo daaweynaya dhaawacyada dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay Kismaayo.

Muqdisho, 3, 2013- Ururka midowga Afrika iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaalada xasaasiga ah ee ka aloosan gobolka jubbada hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo, arintaas ayaa lagu lafa guray kulan maanta Muqdisho ku dhexmaray Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta muqdisho uu kulan xasaasi ah ku dhexmaray wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif?iyo madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, waxaana wakiilku uu Madaxweynaha u soo bandhigay wax ka qabashada xaalada bini?adantinimo ee Kismaayo ka jirta.

AU waxay ka digeen in ay sii kororto xaalada bini?adatinimo ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda waxaana ay Madaxweynaha Soomaaliya kala hadleen in si wadajir ah wax looga qabto khasaaraha ka dhashay dagaaladii halkaasi dhamaadkii bishii hore, dagaalkaas oo sababay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo cunto yaraan la soo deristay dadka deegaanka qeybtood.

? AMISOM waxaa ka go,an daryeelka shacabka Soomaaliyeed, annaga waxaan diyaar u nahay in aan daryeel u fidino dhaawacyadii oo dhan wixii wax ku noqday labbada dhinacba dagaaladii halkaas ka dhacay Kismaayo? ayuu yiri Danjire Annadif.

Docda kale wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Mahamat Saleh wuxuu sheegay in AMISOM ay mar kasta ogtahay waajibkeeda isla markaasna ay diirada saari doonto ilaalinta amniga iyo ka shaqeynta xasilooni iyo nabbad ka dhalata dalka Soomaaliya, wakhtigan Soomaaliya waxaa ka jira afar weji oo ay AMISOM uga shaqeyso Koonfurta dalka.

Kulanka madaxda Dowlada iyo masuulka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa imanaya maalmo kadib markii dhowaan Dowlada Federaalka ah ay sheegtay in ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga aysan dhex dhexaad ka ahayn dagaaladii halkaasi ka dhacay dhamaadkii bisha, Dowladu waxay KDF ku eedeysay in ay taageereen dhinaca Jubbaland, balse AMISOM iyo Kenya intuba way beeniyeen eedeynta DF ah.

Dagaaladii ka dhacay Kismaayo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey bishii June ee ina dhaaftay haatan waxaa qaar ?ka mid ah la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, balse 24-saac ee la soo dhaafay ayaa ku dhowaad 50 dhawacyadaas ka mid ah waxaa la geeyey iyagana magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug oo haatan lagu dabiibayo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com