Horyaalka kubadda cagta gobolka Mudug oo galabta furmay, (Sawirro).

Gaalkacyo, Jan, 11- Waxaa galabta oo jimce ahayd garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee Gaalkacyo ka furmay horyaalka kooxaha heerka 1aad ee gobolka Mudug.


Horyaalkan oo ay ka qayb galayaan 10ka kooxood ee gobolka Mudug oo qorshayaashiisu ay socdeen dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay ayaa galabta waxaa si rasmiya u furay gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Mudug C/hodan Dayax leef, waxaana gudoomiyuhu dhalinta ciyaaraysa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii jawi wanaagsan uu ugu dhamaan lahaa baratankaasi.


Kooxaha Comsed iyo Dhamme Yaasiin Cartan oo ku wada jira group A ayaa lagu daah furay tartanka, waxaana garoonka galabta u soo daawasho tagey boqolaal qof oo qaarkood ay kala taageerayeen labada kooxood.


hardan adag oo ciyaareed una badnaa weerar iyo weerar celis ka dib gabagabadii waxay ku soo idlaatay 1-1 oo barbar dhaca, kooxda Comsed waxaa goolka u dhaliyay weeririyahanka xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug Ciise.


Tartankan ayaa la filayaa inuu ka xiiso badnaado kuwii hore, waxaana sidoo kale maamulka Sportska uu sheegay in laga dhex xuli doono xulkii matali lahaa gobolka tartamada heer gobol ee soo socda.


Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka Putland ee sida ballaaran uu oga jiro hanaan ciyaareed, iyadoo magaalada ay ku nool yihiin boqolaal dhalinyaraa oo si weyn u xiisaysa xirfadda kubadda cagta.

Daawo sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S).

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com