Horjoogayaal Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Jubbada Dhexe

Horjoogayaal Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Jubbada Dhexe

Howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Alshababa iyo horjoogayaashooda ayaa ka socday qeybo kamid ah gobalada dalka,iyadoo duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday jubada hoose lagu khaarijiyay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Alshabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaannada Hargeysa yarey ,Saayow iyo deegaanno uu dhexeeya Jilib iyo Bu”aalle oo ka tirsaan gobolka Jubbada Dhexe,taasi oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Alshabab,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka

Duqeynta dhinaca Hargeysa yarey ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay lahayeen malleeshiyada Alshabaab oo ay ku lahaayeen duleedka deegaankaas,iyadoo ay ku dhinteen duqeynta horjoogayaal ka tirsaan Argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ay ugu keyd sanaayeen hub iyo saanad ciidan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com