Site icon Radio Daljir

Hooyo Somaliyeed oo dhibane ah (dhegayso)

Faaduma Cabdi oo kamid ah dadka barakacayaasha ee dagan kaamka washintoon ee Magaaladda Garoowe ahan hooyada dhashay Aadan maxamuud qalinle oo ah wiil 8 sanno jir ah oo dhibane ah ayaa ummadda soomaaliyeed ka codsatay in la soo caawiyo .

Dhibane Aadan Maxamuud ayaa waxaa kaga dhacay gacanta cudurka kansarka kaddib markii uu ka jabay gacanta si khalad ahna loo kabay ,muddo hadda laga joogo 15 Berri.

Hooyo Faaduma Cabdi oo ka shaqaysa nadaafadda magaaladda ayaa ummadda islaamka ah ka codsatay in la soo caawiyo maadama aysan awoodin inay bixiso lacagta daawaynta wiilkaasi yar oo dalka dibadiisa wax looga qaban karo hadda sida ay sheegtay .

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a953c770901005a0333b1bb/Waraysa+hooya+soomaaliyeed+oo+ummadda+soomaaliyeed+codsi+u+jeedisay+by+Sheekeeye.MP3?_=1
Exit mobile version