Hooyada dhashay Caasho Ilyaas “Kiiskii gabadhayda hadda ayay leeyihiin waa la baarayaa, wax caddaalad ah kama soo socoto qolyaha haya”

HomeWararka

Hooyada dhashay Caasho Ilyaas “Kiiskii gabadhayda hadda ayay leeyihiin waa la baarayaa, wax caddaalad ah kama soo socoto qolyaha haya”

Laba bilood kadib dilkii iyo kufsiga gabadhii yarayd ee Caasho Ilyaas loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaan wali wax natiij

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Gabadha la dhalatay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan oo la maxkamadaynayo
BADBAADO: COVID oo Puntland ku soo Labakacleeyey | Taxanaha 1aad (daawo)

Laba bilood kadib dilkii iyo kufsiga gabadhii yarayd ee Caasho Ilyaas loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaan wali wax natiijo laga soo saarin, waxaana hooyada dhashay Saynab Cabdiwahaab Xarayd ay sheegtay in dib loogu soo celiyay baaritaan, kaasi oo waalidka dhalay Caasho loogu sheegayo in hadda baaritaankeeda la bilaabayo, xilli hay’adaha ammaanka Puntland ay horay u sheegeen in baaritaanka horay in loo bilaabay, waqtigana la sugayay natiijada.

“Waxaa ii yimid ninkii ii yimid xilligii maydkeeda la helay waxaa uu mar kalle igu yiri baaritaankii ayaan hadda bilaabayaa, xogihii hore ee lasoo gudbiyay been bay ahaayeen oo waa lagu noqonayaa , wixii su’aalo ah ee kiiskeeda hadda isiiya ayuu na waydiistay” ayay tiri hooyo Saynab Cabdiwahaab.

Waxaa ay intaasi ku dartay in mar kalle ay u tahay geeri , waqtigan oo la sugayay natiijada baaritaanka in loo sheego in kiiska baaristiisa la bilaabayo ayay tiri hooyadan.

Waxaa ay ku eedaysay dad ku sugan Gaalkacyo inay diidanyihiin in gabadheeda caddaaladda ay hesho, iyadoo loo soo gudbiyay kaliya in tuhun jiro kufsi .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: