Hoolkii doorashada duqa iyo kuxigeenka Qardho

Hoolkii doorashada duqa iyo kuxigeenka Qardho

Saaka oo Isniin ah, halkaan aad sawirradeeda aragtaan waxaa ka dhacay doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kuwaasi oo horay doorashadooda loo madaleeyey in ay dhacdo 11ka April oo maanta ah.
Hoolkaan waxaa ka codaynaya xubinihii golaha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee sannadkii hore ka dhacday degmooyinka Qardho, EYL iyo Ufayn, waxaana cod qarsoodi ah loogu coddaynayaa musharraxiinta u taagan guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna duqa magaalada iyo kuxigeenkiisa oo musharraxiin kala duwan ay u tartamayaan.
Waa doorashadii ugu horraysay oo nooceeda ah oo Qardho ka dhacda marka laga hadlayo qaabka codbixin dadweyne ee mudanayaasha golaha deegaanku ay ku yimaadeen.
Qardho, waxay noqonaysaa degmadii labaad ee yeelata maamul degmo iyo gole deegaan oo cod dadweyne ku yimad. Horay sidaan oo kale waxaa doorashada guddoomiyaha degmada iyo kuxeenka looga qabtay degmada Ufayn oo iyadu noqtay degmadii ugu horraysay oo loo dhisay maamul degmo iyo mudanayaal deegaan oo codka dadweynaha ku yimid.
Barnaamijkaan dimuqraadiyadda iyo doorashada qofka iyo codka ah ayaa markii ugu horraysa Puntland si tijaabo ah looga qabtay degmooyinkaan saddexda ah ee Qardho, EYL iyo Ufayn, waana lagu guulaystay, waxaana hadda qorshaha xiga uu yahay doorasho guud oo golayaasha deegaanka ah in laga qabto Puntland oo dhan marka laga reebo saddexdaan degmo.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com