Hogaamiye Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ku Biiray Daacish

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_ Cadadkii maanta ee Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, ayaa qoray in Hoggaamiye ka tirsan Xarakadda Alshabaab, laguna tuhumayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa uu ka goostay Alshabaab.

Warbixino dhinaca Sirdoonka ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Taliyihii hore ee Dagaalamayaasha Alshabaab ee Gobalka J/hoose, Maxamed Kuno laguna naanayso Gacma-dheere uu dabayaaqadii bishii hore ee November ku biiray Kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

Sarkaalkaasi oo ka soo jeeda Soomaalida-Kenya ayaa la sheegay inuu la baxsaday 1,200 dagaalyahan oo ay ku jiraan Dagaalamayaasha Kooxda Jaysh Aman ee hoos taga Ururka Alshabaab, kuna sugan Dhul-kaymaha ee Boni Forest iyo Deegaanka Raas Kambooni ee J/hoose.

Sirdoonka ka hawlgala Kenya waxay ka digeen inuu Maxamed Kuno “Gacma-dheere” qaadan doono Kaalinta Hoggaaminta Daacish ee gudaha dalka Kenya, wuxuuna Gacma-dheere saaxiib dhow layahay Sheekh Muumin oo ka tirsanaa Hoggaanka Alshabaab ee ka hawlgala Puntland, kaasi oo bishii hore shaaciyey inuu goostay Alshabaab, kuna biiray Kooxda Daacish

Dowladda Kenya waxay horey lacag dhan 215,000 oo Dollar u dul-dhigtay soo-qabashadda Gacma-dheere, waxayna dhowr jeer sheegeen in la dilay Sarkaalkaasi.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya inuu Sarkaalkaasi ka goostay Ururka Alshabaab, inkastoo ay Waayadan dambe jireen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo rumeysan Aragtida ah inay Alshabaab ku biiraan Kooxda Daacish.

Hoggaanka Sare ee Alshabaab waxay hore usheegeen inay surka ka jari doonaan qofkii lagu helo inuu taageersan yahay ama ku biiray Kooxda Daacish oo uu hoggaamiyo Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi

.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com