Hogaamiye kooxeed Soomaali ah oo heshiis la galay shirkad ay leeyihiin calooshooda u shaqaystayaal Jarmal ah.

Germany, May 24 – Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa walaac wayn ka muujiyay heshiis la sheegey in sharikad dhinaca milatariga qaabilsan oo Jarmal ah, ayna leeyihiin calooshooda u shaqaystayaal u dhashay Jarmalka, ay la gashay nin hore u sheegtay in uu madaxweyne ka yahay Soomaaliya oo la yidhaahdo C/nuur Darmaan.

Nuxurka heshiiska ayaa lagu sheegay in uu yahay sugid amni, tababar iyo qalabayn ciidan, kala talin dhinacyada amniga iyo khidadaha dagaalka.

Sharikaddan Jarmalka ah oo magaceeda la yidhaahdo Asgaard German Security Group ayaa heshiis la gashay C/nuur Darmaan oo si wayn u diiddan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, balse aan dhaqdhaqaaq muuqda iyo taageeraba ku haysan gudaha dalka Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jarmalkuna waxa ay sheegeen in heshiiska dhex maray Darmaan iyo sharikaddasi dhinaca milatariga ah ee Soomaaliya ay sii laba-lixaadin karto dagaalka ka socda Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeeddo cunaqabataynta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee dhinaca hubka.

Cabdinuur Darmaan ayaa sannadkii 2003-dii waxa uu sheegtay in uu madaxweyne yahay, balse 5 sanadood dalkaba kuma aanuu noolayn, isku magacaabiddiisa madaxweynenimmo ee xilligaas ayaa ay Soomaali badan ku macneeyeen in ay ka ahayd caanimmo raadin.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com