Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo taageero wayn ka helay shacabka (Daawo)

Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo taageero wayn ka helay shacabka (Daawo)

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Venezueala ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib safar uu taageero ugu raadinayay ololaha uu kaga soo horjeedo madaxwaynaha dalkaasi Nicolas Maduro.

Maxkamadda sare ee Venezuela ayaa ku xukuntay inuu dalka ka bixin, isagoo la saaray cadaadis socdaal.

Shacab badan oo taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ee Caracas, iyadoona si heer sare kumanaan qof ay ugu soo dhoweeyeen garroonka diyaaradaha.

“Rajo ayaa dhalatay, mana filayo inay dhiman doonto, wax walbana si wanaagsan ayay usocdaan” ayuu yiri Guaido, oo isku magacaabay inuu yahay madaxwaynaha kumeel gaarka ee dalka Venezuela, iyadoona ay aqoonsadeen inta badan dalalka reer galbeedka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay dibadbaxyo waawayn oo shacabku ay dhigaan oo ay isaga ku taageerayaan.

 

Hoos kadaawo warbixin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com