Hogaamiyaasha Qaarada Africa oo dhexdhexaadin ka dhex bilaabaya Itoobiya & Tigreega

Hogaamiyaasha Qaarada Africa oo dhexdhexaadin ka dhex bilaabaya Itoobiya & Tigreega

Hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan dowladda Itoobiya inay aqbasho in la bilaabo geedi socod dhexdhexadin ah oo lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigrey.

Hogaamiyaashan ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago in dagaalka uu ku sii fido guud ahaan gobolka.

Madaxwaynaha dalka Ugandan, Yoweri Museveni, ayaa wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria , Olusegun Obasanjo, oo isagu u yimid si geedi socodka uu ugu biiro.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenya aya sidoo klae codkiisa ku biirayay baaqyada ku aadan in si qaab nabadeed lagu xaliyo dagaalka dalka Itoobiya ka socda.

Balse dowladda Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in howlgalka lagu soo ceelinayo sharciga uu sii socon doono.

Waxaa sidoo kale uu rai’sul wasaare Abey ku gacan seyray baaqyada ku aadan in wadaxaajood lagu xaliyo dagaalka.

Muuqaal laga soo duubay caasimadda Tigrey ee, Mekelle, ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhowr dhismo, waxyar uun ka dib markii ay dulmareen diyaaradaha dagalka ee Itoobiya.

Boqollaal qof ayaa ku dhintay dagaaladan u dhaxeeya dowladda fedaraalka ee Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

BBC SOMALI

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com