Hishiis ku saabsan ammaanka dalka Soomaaliya oo dhexmaray dawladda cusub iyo Puntlnad, iyo AMISOM oo imaanaysa Puntland.

Moqdisho, Sept, 18 – Wasiirka ammaanka dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday inuu hishiis cusub oo dhanka nabad-galyada ah isla meel-dhigeen dawladda cusub ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka ammaanka Soomaaliya Col: Mudan ayaa sheegay waxyaabihii ay dawladda cusub ay isla meel-dhigeen inay ka mid-tahay sidii ay AMISOM uga hawl-gali lahaayeen qaar-ka mid ah gobollada Puntland.

Wasiirka ayaa isagoo ku sugan Moqdisho waxaa uu yiri “Shaki kuma jiro Puntland inay qayb ka tahay Soomaaliya inteeeda kale, isla markaana Puntland ay u taagan-tahay sidii dawlad Soomaaliyeed cagaheeda isugu taagi-lahayd, madaxwaynaheena Puntland Dr Faroole horay ayuu dawladda cusub iyo hoggaankeeda u soo dhaweeyay, waana iska kaashan-doonaa nabad-galyada Soomaaliya sidii loo sugi-lahaa”.

Maxmaed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com