Hindiya oo dalbatay in lasii daayo duuliyaha u dhashay wadankeeda ee Pakistan ku xiran

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay maalinimadii shalay in diyaaradaheeda dagaalka ay soo rideen laba ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee India oo kusoo xad gudbay hawadeeda, waxaana cirka isku sii shareeraya xiisadda labada dowladood oo haysta hubka Nuclearka.

Indiya ayaa sheegtay inay doonayso in lasoo daayo muwaadinka u dhashay wadankeeda ee la socday diyaaradda dagaal ee ciidamada  Pakistan ay soo rideen.

Duuliyaha oo lagu magacaabo  Abhi Annand ayaa loo gaystay jir dil, kadib markii uu gacanta u galay shacabka reer Pakistan ah oo ku sugnaa dhulka Kashmiir qaybta Pakistan ay maamusho.

Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa soo bandhigtay duuliyaha oo shaah cabaya, oo xaaladdiisu wanaagsantahay.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladaha Pakistan iyo Indiya inay dejiyaan xiisadda u dhaxaysa dalalkaasi.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com