Hiiraan oo rajo beel ku riday Sh. Hoose (3-2) & Banaadir iyo Sool oo barbardhac (1-1) ku kala tagey.

Garowe, Dec 19 – Galabta waxaa dhacay Ciyaaro aad u xiiso badan oo ka tirsan Ciyaaraha 18-aad gobolada Somaliya, waxaana wada dheelay Xulalka Gobolada Hiiraan iyo Sh. Hoose oo Groupka (A) kuwada jira iyo Ciyaar kale oo ay wada ciyaareen Xulalka Banaadir iyo Sool oo Groupka B ah.

Hadii aan ku hormarno ciyaarta gobollada Hiiraan iyo Sh. Hoose ayaa waxaa ay bilaabatay 2:00 duhurnimo iyadoo ahayd mid xamaasad balaaran xambaaran maadaama gobolka Sh. Hoose horay looga soo badiyay, islamarkaana ay dooneysay in ay ciyaartan badiso, sababtoo ah Groupka A waxaa ku jira 3 xul oo kali ah.

Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa waxaa labada xul ee Hiiraan iyo Sh. Hoose ay soo bandhigeen xirfado sare inkastoo lagu kala nastay qeybta hore 2-1 oo ay Hiiraan ku ciyaartu ku hogaaminaysay waxaana Goalka ku hormaray Xulka Gobolka Sh/Hoose walow Hiiraan ay barbareysay islamarkaana u saarta Goalka Labaad Xulka Sh/Hoose.

Qeybtii labaad ee Ciyaarta ayaa laysugusoo laabtay Ciyaartan waxayna labada Xul ay sameeyeen Sibadalo dhinaca ciyaartoyda ah waxaana kolkii ay ciyaartu socotay qeybtii labaad ee ciyaarta bartankeeda Goal bar baro ah oo 2-2 ka dhigay ciyaarta la yimid Xulka Sh/Hoose Hiiraan sidaasi kuma hakanine Waxaa ay la timid Goalkii 3 aad ee guusha sidaasina waxaa 3-2 ku badisay Hiiraan Groupka A waxaa si rasmi ah ugu soo gudbay Xulalka Hiiraan iyo Nugaal oo labaduba ka badiyay Xulka Gobolka Sh/Hoose taasoo iyadu ka rajo dhigtay Tartankan 18aad ee Ciyaaraha Gobolada Dalka Groupka A waxaa ciyaar isugu dhimantahay Hiiraan iyo Nugaal oo iyadu Tartankan Marti galinayso walow ay labaduba soo baxeen.

Ciyaar kale oo si weyn loo wada sugayay, islamarkaana lagu tilmaamay in ay tahay ciyaar aad u kulul ayaa waxaa wada ciyaaray Xulalka Sool v Banaadir oo ka wada tirsan Groupka B inkastoo labadanba Xul ciyaaro kale oo ay hore u soo ciyaareen bar baro la soo kala galeen Xulalka Mudug iyo Gedo oo Groupka kula jira hadana waxaa la sugayay midii hogaanka u qaban lahayd Groupkooda B.

Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa waxaa labada Gobolba ay la soo baxeen xirfado kala duwan oo aad u sareyso inkastoo Xulka Sool uu maamulayay Ciyaarta qeybteedii hore waxayna la yimaadeen Xulka Gobolka Sool Goal aad u qurux badan waxaana u suurto gashay Sool in Goalkaasi qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nasto,

Markii laysku soo laabtay qeybtii labaad ee Ciyaarta ayaa xulka Banaadir oo Taageero xoogan ku lahayd Garoonka Miro Awaare ee Magaalada Garowe waxaa ay heleen Goal Bar baro ah taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1.

Si kastaba labadan Xul oo lagu tilmaamo Gobolo xoog badan oo dhinaca ciyaarta looga cabsanayo Tartankan 18aad in ay Qaadaan Cupka ayaa waxaa ay qeybtii labaad ee ciyaarta midba midka kale weerar iyo weerar celis ku soo gabo gabeeyeen ciyaarta waxayan ku dhamaatay ciyaarta 1-1 oo bar baro ah Groupka B Sool iyo Banaadir waxaa ay wada leeyihiin min 2 dhibcood waxaana wada dhowrayaa ciyaarta kale ee barito ay wada ciyaarayaan Xulalka Mudug iyo Gedo oo iyana ku jira Groupkan B oo iyaguna horay bar baro u watay.

Berri Ciyaaraha Dhacaya:

Group B:
Waxaa wada ciyaaraya Mudug v Gedo

Group C:
Waxaa isku aadan xulalka Bari v Bakool

Salmaan Jamaal Siciid (KaKa)
Idaacada Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com