Hiigsiga cusub oo furmay iyo madaxweyne Xasan oo dalbaday in Soomaaliya laga dhiso ciidamada

Brussels, September 16, 2013 – Xaruunta midowga Yurub ee Brussels waxaa si hufan goor dhowayd oo maanta uga furmay shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ?New Deal?, shirka waxaa fadhiya 200 oo wefdi kana kala socda dowladaha reer Yurub iyo kuwa kale, urruro, iyo hay?ado caalami ah.

Madaxweynaha midowga Yurub Mr. Hermen Van? Rompuy oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid xooga lagu saarayo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa adeegyo badan oo muhiim u ah horusocodka.

Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa shirka wada-qaban qaabiyey waxaana si wadajir ah u gudoomin doona hugaanka sare ee midowga Yurub iyo madaxweynaha Soomaaliya, shirka intiisa badan waxaa lagu eegi doonaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa isna kulanka ka hadlay, wuxuu sheegay in dowladiisa ay u baahan tahay in si weyn looga caawiyo dhismaha ciidamada kala gedisan, taas oo ah jidka ugu wanaagsan ee loo mari karo amni iyo horumar dhaqaale oo dalku Hiigsado.

? Shirka wuxuu ka duwan yahay kuwii hore ee Soomaaliya loo qaban jiray xaataa kuwii dhowaan ee London iyo Tokyo, waxaan filaynaa weji cusub in ay Soomaaliya gasho? ayuu yiri Prof. Xasan sheikh

Waxaa uu sheegay madaxweynuhu in shirka Hiigsiga cusub uu yahay mid lagu dhisayo Soomaaliya, isagoo caalamka ka dalbaday la xoojiyo taageerada dalka Soomaaliya, madaxweynaha ayaa arintaas sabab uga dhigay in wakhtigan ay jirto rajo wanaagsan oo dalka ka ifaysa.

?Khudbado ayaa qeybihii hore ee shirka waxaa ka jeediyey madax kala duwan, waxaana shirka gudoomin doona madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud iyo madaxa siyaasada debeda ee midowga Yurub Catherine Ashton.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com