Hey’adda NISA oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab la dilay

HomeWararka

Hey’adda NISA oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab la dilay

Hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in xalay Magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sid

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Puntland maxaabiis Madaxweyne Deni dhawaan cafis u fidayey oo maanta xabsiyada laga siidaayey.
Sawirro-Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Fulinta Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Deegaanka

Hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in xalay Magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu amray in la xiro madaxa howlgelinta amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo hore isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka GobolkaBanaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjooge Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee hey’adda NISA.

 

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: