Heshiiska Wasaaradda Gaashaandhigga ay la gashay shirkadda SKA oo la laalay

Heshiiska Wasaaradda Gaashaandhigga ay la gashay shirkadda SKA oo la laalay

Dowladda Soomaaliya ayaa laashay heshiiska shirkadda SKA oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ay la gashay wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Militariga Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa dhowaan ka sheegay warbaahinta heshiiskan oo qarsoodi ahaa kuna saabsanaa shirkaddan inay sahayda iyo zaadka ay gaarsiiso ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab uu yahay mid muhiim ah, oo ay dowladdu dhibaato ka haysatay gaarsiinta sahayda iyo zaadka ee ciidamda.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay heshiiskan inuu yahay mid aan waxba kama jiraan ah, oo loo maray hab aan sharci ahayn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    WAA SAX
    SOMALIYA WELI WAXAA KU MARAN GUUMEYSTE MICHEAL KAETING

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com