Heshiis laga gaaray qalalaasihii ka dhashay muddo kororsigii Farmaajo (Akhriso)

Kaddib kulamo saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo looga hadlayay xal u helida khalalaasihii ka dhashay muddo kororsigii ayaa ugu dambeyn xal laga gaaray.

Guddiga Farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, Guddiga Saraakiisha Ciidamada ee ka soo horjeeday Muddo kororsiga, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la isku afgartay in xal laga gaaro khalalaasaha.

Kulanknaas ayaa waxaa markii dambe ku soo biiray Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo boggaadiyay xalka arrimahaas laga gaaray iyo kulamadii socday ee mira dhalay.

Halkan hoose ka akhriso:-

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com