Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray Colaadi Caabudwaaq (dhegayso)

Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray Colaadi Caabudwaaq (dhegayso)

Sheekh Abuubakar Bashiir C/laahi Lataliyaha Madaxaweeynaha jamhuuriyada ee Dhinac Diinta iyo Gudiga Madaxweeynahu u xil saaray Dhamaystirka Qorshaha Nabadaynta Bulshada Caabudwaaq ayaa Ku Guulaystay in Xal laga Gaaro Xisadii udhaxaysay Qaar ka Mid ah beelaha Dega dagmadaasi.

Waxaa lagu Guulaystay in la is hor Fariisiyo Labada Dhinac si ay u dhaqangaliyaan dadaalada Nabadda Bulshada ku dhaqan Degmada Caabudwaaq kaasi oo dhamaystir u ah Qorshahii Bilawga ahaa ee Madaxweeynaha Soomaaliya uu halkaa ka unkay.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa Laga hirgaliyay Degmadaasi kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Xasilinta amniga Magaalada si looga hortago isku dhacyo Marka kale Dhexmara Beelahii la Heshiisiiyay.

la Taliyaha Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Abuubakar Bashiir C/laahi ayaa sheegay in ay Guulaysteen Dhamaystirka Heshiis Nabadeed oo ay dhex dhigaan Dhinacyada Beelahii isku hayay Degmada Caabduq Waaq laguna Guulaystay Samaynta ciidamo Nabasugda ah oo Hanta Amaanka si ay dadku ugu Wada Noolaadaan Magaalada si Nabad ah.

Dhina kale Taliyaha Madaxweeynaha ayaa hadlay Rajada laga in dib uheshiisiinta ay usameeyeen bulshada inay noqoto Taaba Gal ah isagoo tilmaamay in qorahaha 2 aad ee Hiigsigoodu yahaw Nabadaynta bulshada ku dhaqan xeraale Halkaasi oo Maalmahaanba la soo Warinayay in ka jirto xisad udhaxaysa Dadka ku Nool Deegaankaasi.

Socdaalkii Nabadda ee Madaxweeynuhu uu ku Tagay Degmada caabudwaaq ayaa waji cusub ufuray bulshada ku Dhaqan Caabudwaaq aydoo uu Dib ufurmay isu socodkii dadka oo ay kala xirtay colaadsokeeye oo Udhaxysay in Mudda ah.

Wariyaha radio daljir ee xamar Cabdiqaadir Irshaad yuusf ayuu u waramay isago jooga caabudwaaaq .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com