Hay’adda Socdaalka oo xaafiis ka furatay degmadda Baar-dheere

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta xaafiis ka furatey magaalada Baar-dheere oo ka tirsan gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Al-qadi iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Howlaha ee HSJ Mudane Haashim Axmed Cabaas ayaa xarigga ka jarey xaafiiska HSJ ee degmada Baardheere ee Gobolka Gado.

Xaafiiskaan ah kii 4aad oo ay hay’addu ka hirgelisey gobolka Gedo ayaa bixin doonaa dhammaan adeegyada ay bixiso HSJ, waxaana si weyn u soo dhoweeyey Bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere.

Hay’addaha socdaalka ayaa waday Bilihii ugu dambeeyay in la baahiyo adeegyadda Hay’adda si ay u helaan dhammaan bulshadda Soomaaliyed ee kunool degmooyinka ka baxsan Muqdisho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com