Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS oo Xafiis ka Furatay Hobyo

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS oo Xafiis ka Furatay Hobyo

Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa markii u horraysay taariikhda waxaa laga furay xafiiska hay’adda socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda federaalka, xafiiskaasi oo lagu qaban doono howlaha hay’adda

Xafiiskan laga furay magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug wuxuu qaban doona bixinta Basaboorka iyo kontoroolka dhaqdhaqaayada ka socda Garoonka Diyaaradaha iyo Dakada Hobyo oo dhowaan laga hirgaliyay dekeda macmal ah.

Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka waxa ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com