Hay’adda shaqaalaha rayidka ee Puntland oo Imtaaxno ka qaaday shaqaale Cusub

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 80 qof oo isugu jira 20 Rag iyo 60 Dumar kuwaas oo u tartamayey boosaaska Record Management ama kaydinta xogta dawladda oo loo qaadanay 7 kamid ah hay’adaha dawladda eek a faa’iideysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland.

Q0rshaha loo qaadanayo shaqaalahan cusub ayaa ah sidii loo heli lahaa shaqaale xirfad iyo aqoon u leh hannaanka kaydinta xogta ama arkiifiyada si loo tayeeyo waxna looga beddelo qaabkii hore ee loo kaydin jirey xogta dawladda.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah oo ka beddelan qaabkii hore ee loo diyaarin jirey imtixaanka si loo ilaaliyo hufnaanta imtixaanka isla markaana loo dhowro kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland.

Shaqaalahaan cusub ayaa markii la qaato waxa ay ka kala hawl-geleyaan xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, shaqada iyo shaqaala, Bangiga dawladda iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday taas oo ay beryihii hore ka muujin jireen tuhun ama mad-madow.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com