Hay’adda PAC oo Gaalkacyo ku qabatay Aqoon iswaydaarsi (dhegayso)

Hay’adda PAC oo Gaalkacyo ku qabatay Aqoon iswaydaarsi (dhegayso)

Hay’ada ladagaallanka cudurka HIV/AIDS ee Puntland PAC ayaa Galkacyo kuqabatay aqoon iswaydaarsi,Kaaso kusaabsanaa faquuqida lagu hayo dadka qaba cudurka AIDS-ka.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa loqabatay haween laga sookala xulay xaafadaha magaalada Galkacyo,iyado kulanka inta baddan looga hadlayaay Arrimaha Cudurkan waxaana inta badan bulshada looga digayaay in an la takoorin bukaanka qaba cudurka.

Ugu horayn waxaa kulanka ka hadlay Cabdulqaadir MaxamedCabdi oo ah madax dabalka iyo qiimaynta barnaamijka HIV/AIDS ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay sida wax looga qaban lahaa ka hortaga faquuqa lagu hayo dadka cudurkaas.

Waxaa sidoo kale ka hadlay aqoon iswaydaarsiga Maxamuud Wasame Maxmuud oo ah dadka lanool xanuunka HIV/AIDS asagoona ka hadlay sida ugu fudud ee lagukala qaado HIV/AIDS

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com