Hay’adda ICRC oo ka walaacsan xaaladda shaqaalle u dhashay Jermalka oo Muqdisho lagu afduubtay

Hay’adda ICRC oo ka walaacsan xaaladda shaqaalle u dhashay Jermalka oo Muqdisho lagu afduubtay

Kuxigeenka madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya Danial O’Mally ayaa xaqiijiyay haweenay u dhalatay dalka Jarmalka oo ka mid ahayd shaqaalaha ICRC in xalay lagu afduubtay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo saaray xafiiska ICRC ee Geneva ayaa waxaa uu ku sheegay hawaynaydan oo kaalkaaliso ahayd ay Soomaaliya u timid inay caawiso bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay sare u qaaddo caafimaadka bulshada kuwooda nugul ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay garanayn ilaa iyo hadda jihada lala’aaday, ayna ka walaacsanyihiin xaaladda ay ku sugantahay, waxaana afduubka uu dhacay xilli ay ka cashaynaysay dhismaha xarunta ICRC ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa afduubka kadib tagay xarunta ICRC ee Muqdisho, waxaana la xiray dhamaan ilaalada xarunta joogtay oo Soomaali ahayd, iyadoo afduubka raggii gaystay ay ahaayeen shaqaalle katirsan iaalada hay’adda ICRC.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • PabloBlalf 6 years ago

    I apologise, but, in my opinion, you commit an error. Let’s discuss it.

  • Nuurkanederland 6 years ago

    I AM SORRY.
    WAR WAA CEEB IN MARTIDA LA AFDUUBO.
    DHAQAN SOMALIYEEDNA MA AHA IN MARTI LA AFDUUBO.
    SORRY

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com