Site icon Radio Daljir

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Walaac ka muujiyay Bandhig Faneedyada Muqdisho lagu qabto

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digtay Bandhig faneedyada Magaalada Muqdisho ay ku qabanayaan Fanaaniinta u badan kuwa Qurbaha ka imaanaya.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimada oo Warbaahinta u aqriyay Warmurtiyeedka kasoo baxay ayaa sheegay in Diin iyo Aqlaaq ahaan aanan Wanaagsaneen Bandhig faneedka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u jeediyeen in aanan dhiira-gelin Shaqsiyaadka falalkaan ku howlan, isla markaana ay ka joojiso abaabulka ay wadaan oo halis ku ah Diinta iyo Dadka sida ay hadalka u dhigeen.

Shiikh Bashiir ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u jeedinayaan in aanan ka qeyb galin bandhiggaas oo uu sheegay in uu yahay Dagaal looga soo horjeedo Diinta, ayna ka dhalan karto Caro Alle.

Exit mobile version