Hay?ada udooda xaquuqul aadanaha ee (HRW) oo fariin qaylo-dhaan ah u dirtay deeq-bixiyaasha lagu casumay shirka London.

Hay?ada xaquuqda aadanaha ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano HRW ayaa war qad ay u dirtay dowladaha deeqaha bixiya ee ka qeyb galaya kulanka London ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ?ayaa waxa ay ugu sheegtay in kulankoodi diirada ay ku saaran arimaha dhanka xaquuqda haweenka.

In kabadan 50-dowladood ayaa waxa ay ka qeyb galayaan kulankaasi maalinta taaladada ah ka dhici doona magalada London oo arimaha looga hadlaayo ay tahay taagero balaran oo la siiyo dowlada Somalia.?

HRW ayaa u soo jeedisay dowladaahasi talaaboyin istiraatiji ah oo ay xukuumada Somalia u qaado dhanka xaqiijinta garsoorka,booliska,hagaajinta ciidamada,ka hortagista arimaha ku saleysan gacan kahadalka jinsiga iyo mareynta maamulka maaliyada.

Hadalkaan kasoo yeeray HRW ayaa loogu baaqay dowlada Soomaaliya iyo dowladaha kulankasi ka qeyb galaya in laga dhex saaro ciidamada aamaanka kooxaha ku kacaya waxyaabaha lidka ku ah xaquuqda aadanah, waxana dowlada Somalia lo jeediyay in ay ilaaliso haweenka iyo caruurta Somalia.?

Sidoo kale, dowladaha ka qeyb galaya kulanka London ayaa loogu baqay in dowlada Somalia laga taagero arimaha garsoorka booliska iyo haagajinta arimaha xaquuqda aadanaha.?

HRW ayaa waxa ay warka ay u dirtay dowladaha kulanka biriten ka dhacaya ka qeyb galaya iyo dowlada Somalia in ay ku sheegtay in hogaamiyaasha calamka ay qaadan isbadal xaqiiqi ah hadii la doonayo in laga dhabaayo mustqablaka wanagsan ee Soomaaliya.?

Shirka London ee Somalia shir gudoomin doonto ayaa waxa la filaaya in waxyaabaha lagu soo hadal qaadi doono ay qeyb ka noqon doonan arimaha garsoorka booliska iyo xaquuqda hawenka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com