Hay,ada NESHA Oo la wareegtay qalab lagu sahminayo xogta Jidadka bur bursan ee Puntland.

Garoowe, 2, July 2013- Hay,ada dhismaha wadooyinka Puntland ee NESHA ayaa maanta la gudoonsiiyey qalab loogu talo galay in lagu sahmiyo dhismaha iyo dayactirka wadooyinka? bur bursan nee ku yaala Gobollada Puntland oo qeybo ka mid ah dhisme ka socdo.

Qalabkan oo ay bixisay hay,ada ka shaqeysa mashaariicda dhismayaasha wadooyinka ee DAI, ayaa waxaa gudoomay maamulka hay,ada wadooyinka ee deeganada Puntland ee NESHA, Iyadoo qalabkaas isugu jiray noocyo kala duwan. Waxaana kulanka la wareegida qalabka uu ka dhacay xaruunta Hay,ada NESHA ee Garoowe.

Maxamuud Cabdinuur Aadan Agaasimaha hay,adda NESHA wuxuu sheegay in qalabkaani? uu si heer sare ah uga caawinayo in hay,addoodu si dhaqso ah ku hesho xogta meelaha ay ka jiraan bur burka iyo dayaca wadooyinka ee deeganada Puntland, sidoo kale Mudane Aadan wuxuu kaloo sheegay in qalabkan looga faa,iideysan karo xataa sahminta garoomada diyaaradaha iyo dhismayaasha waa weyn.

Wasiirka howlaha guud iyo Gaadiidka ee Puntland ?Daahir Xaaji Khaliif oo ka qeyb galay wareejinta qalabkaan ayaa ku amaanay hay?adda qalabkaan ku deeqday ee DAI sida ay ?uga jawaabtay una qiimaysay baahida qalab ee hay?adda NESHA ay u qabtay in ay hesho adeegyo ka caawiya dhismayaasha wadooyinka waa weyn iyo khataraha jira.

?

Mudane Khaliif? ayaa sidoo furay Tababar isla goobta loogu qabtay shaqaalaha loo tababarayo qalabkaan cusub, Wuxuuna ku booriyay in ay si wanaagsan uga faa?idaystaan injineerada ?baraya si qalabkaan loo isticmaalo oo dhowaan la filayo in ay ku howlgasho hay,ada NESHA.

NESHA ayaa mudo dheer ka cabanaysay helida xogta rasmiga ah ee bur burka iyo khataraha wadooyinka, waa markii ugu horeysay oo qalab noocan oo kale ah ay hay,adu hesho, maamulka NESHA waxay sheegeen in haatan la dareemi karo is bedel weyn oo dhinaca dhismaha waddooyinka deeganada Puntland oo ay iyadu ka shaqayso.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com