Site icon Radio Daljir

Hay’ada Jinsiyadaha iyo socdaalka Soomaaliya oo taliye cusub loo magacaabay.

Muqdisho, July 27 2016--Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi u magacaabay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya. 

Mas’uuliyiin katirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey magacaabista taliyaha cusub inkasta oo aan magacaabistiisa wali si rasmi ah loo shaacin. 

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa horay u soo noqday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya  ee Gobolka Banaadir. 

Gaashaanle sare Koofi, ayaa waxa uu bedeli doonaa Taliyihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo dowladdu ugu magacowday taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Daljir.com

Exit mobile version