Hay’ada culimada Soomaaliyeed oo war kasoo saartay haweenka iyo siyaasadda.

Muqdisho, Oct 02 2016–Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si cad ugasoo hoejeesatay Kootada haweenka ee ah 30%, taasoo ay ku leeyihiin siyaasada hogaaminta dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed, ayaa maanta Saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay arintaasi u arkaan mid carqalad ah oo gef ku ah diinta islaamka.

“Culimada Waxa ay umadda uga digayaan Barnaamijka Kootada Haweenka waayo waa qorshe ay gaaladu wadato, hor dhacna u ah Dhaqan rogga Bulshada iyo Bur burinta Qoyska.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay Qoondada Haweenka ee Siyaasada inay tahay mid carqalad ku ah qabsoomida Doorasho xalaal ah oo Somaliya ka dhacda.

“Kootada Dumarka waxay carqalad ku tahay in la helo Doorasho Xalaal ah waxayna qofka ka xayuubinaysaa Xorriyada codkiisa waana jajuub iyo amar-kutaaglayn qaawan.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waxaan soo jeedinaynaa Madaxda dalka inay ka run sheegaan ilaalinta Diinta iyo dalka ay u dhaarteen oo aysan qayb ka noqon qorshahaas lagu hagardaameynaayo Umaddooda.”

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com