Site icon Radio Daljir

Hawlgalo amniga lagu sugayo oo kasocda dawlad goboleedka Galmudug

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ayaa hawlgalo Amniga  lagu sugayo ka bilaabay bishaan barakaysan ee Ramadaan  deegaanada dawlad goboleedka Galmudug ayaa maraya meel aad u wanaagsan .

Hawlgaladaan ayaa lagu soo qab qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin xarakada Al shabaab Saraakiisha Ciidanka 21-aad ee xoogga dalka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug  oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dhamaan degmooyinka dawlad goboleedka Galmudug ay ka socdaan hawlgalo looga hortagayo  weerarada ay geysanayaan xarakada Al shabaab .

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug ayaa si dardarle u wada hawlgalada lagu sugayo Amniga Galmudug .

Exit mobile version