Hawlgallo ammaan oo ka socda Galkacyo & ciidanka oo dad u qabqabtay falalkii amni darro.

Galkacyo Jan 17- Hawlgallo baaxadweyn oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada Galkacyo ayaa illaa xalay iyo habeen hore si aan kala joogsi lahayn uga socday gudaha iyo daafamaha magaalada Galkacyo, taasi oo ay ku hawllanaayeen ciidamada amnigu.

Hawlgalladaan oo ka soconayey dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Galkacyo ayaa waxaa dhinac socday baaritaanno dheeraad ah oo lagu samaynayey dadka iyo gaadiidka maraya waddooyinka magaalada si loo agaado waxyaabaha dadka iyo gaadiidku ay wataan.

Dhammaanba waddooyinka iyo meelaha is-goysyada ah ee ku dhaxyaalla magaalada ayaa illaa xalay iyo habeen horaba lagu arkayey ciidamada ammaanka iyo gaadiidka dagaalka oo taagan, kuwaasi oo ku gudaha jiray sugidda nabaddagalyada magaalada.

Hawlgalladaan soconayey labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa ka danbeeyey kadib markii magaalada Galkacyo ay ku soo kordheen falal amni darro, kuwaasi oo badankooda la fuliyo xilliga habeenkii ah una badan qaraxyo iyo bambaanooyin lagu bartilmaameedsado goobaha muhiimka ah.

Todobaadkii ugu danbeeyey gudaha magaalada Galkacyo waxaa ka dhacay in badan 10 bam-gacmeed oo lagu tuuray goobo ganacsi iyo guryo dad shacab ahi leeyihiin, inkasto ay yaraayeen khasaaraha ay gaysteen.

Bambaanooyinkii ugu danbeeyey xalay waxaa lagu hal-gaaday guri ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo gurigaasi oo ay ku sugnaayeen dad maato ah oo haween iyo carruur iskugu jiray, mana jiran wax khasaare ah oo dadkii gurigaasi degganaa soo gaaray.

Falkaasi xalay dhacay waxaa ka sii horreeyey mid habeen hore lagu weeraray saddex idaacadood oo ku yaalla magaalada Galkacyo, waxaana bambaanooyin idaacadahaasi lagu hal-gaaday wax ku noqday illaa saddex qof oo wariyayaal iyo waardiyabe iskugu jiray.

Waxaa jira dad loo xirxiray falalkii weerer ee ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Galkacyo, kuwaasi oo ku jira saldhigyada bileyska, waxaana saraakiisha amniga ee magaalada Galkacyo ay sheegeen hawlgalladooda in ay sii wadi doonaan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka magaalada Galkacyo.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com