Hawlgal ka dhan ah ciidamo gadooday oo ka bilowday dalka Ivory Coast

HomeWararka

Hawlgal ka dhan ah ciidamo gadooday oo ka bilowday dalka Ivory Coast

Dowladda Ivory Coast ayaa bilowday hawlgal ka dhan ah ciidammo gadoodsan oo 3dii cisho oo lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayey dalkaas, sida lagu shee

Maxaa looga hadlay shirka golaha Wasiirada jubbaland maanta?
FALANQEYN: Shirkii Muqdisho iyo eedeenta labada dhinac | Dr. Xassan Sheekh ayaa Daljir uwaramay (daawo)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Dowladda Ivory Coast ayaa bilowday hawlgal ka dhan ah ciidammo gadoodsan oo 3dii cisho oo lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayey dalkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay aqalka madaxtooyada ee dalkaas.

Ciidamadan ayaa ka careysan muran ka dhashay heshiis dib loogu siinayey mushaaraad iyo gunooyin ka soo daahay kaasi oo hadda la laalay, ka hor inta aysan helin lacagahani oo dhan.

Cidanka gadoodsan ayaan la wareegay gacan ku haynta magaalada labaad ee ugu weyn wadankaasi ee Bouake, magaaladaa oo noqotay xarunta kacdoonka.

Lix qof oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas digniin ah oo ay fureen fallaagadu taasi oo dadka loogu sheegayay in ay guryahooda ku sugnaadaan.

Ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in aysan wadahadal gali doonin, ayna doonayaan in ay dagaalamaan haddii ciidamadu ay arrintooda soo faragashtaan.

War xalay ka soo baxay madaxa ciidamada qalabka sida ee waddanka Ivory coast ayaa lagu sheegay in ciidamdadu ay qaadayaan howlgallo milatari oo dib loogu soo celinayo nidaamka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: