Hawgallo amni oo lagu qabtay dad laga shakiyey oo laga fuiyey caasimada Puntland ee Garowe.

Garowe, Dece, 28 ? Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garowe labo-xidigle Aadan Muuse Jaamac oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in hawl-galadii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyaan magaalada Garowe ay kusoo qab-qabteen dad badan, qaar-koodna ay fasaxeen hay?adaha sharcigu, kaddib markii lagu waayay tuhumadii loo soo xiray.

Aadan Muuse Jaamac, ayaa dhinaca kale ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada Garowe doorka ay ka qaateen sugida nabad-galyada caasumada, iyo sida ay ula shaqeeyeen hay?adaha nabad-galyada Puantland.

Laba-xidigle Aadan, waxaa uu sheegay inay sii laba-jibaari doonaan hawl-galadooda lagu adkeynaayo ammaanka, oo aysan ku ekeen joogitaankii madaxda Soomaalida, balse hawl-galadu ay ka midyihiin shaqooyinkooda caadiga ah oo nabad-galyada lagu sugaayo.

Talyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garowe labo-xidigle Aadan Muuse Jaamac waxaa uu meesha gabi-ahaanba ka saaray hadal-haynta la isla dhexmaro ee ku aadan in saldhiga la isaga haysto muddo aad u dheer dad aan loo gud-bin hay?adaha garsoorka ama caddaaladda, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay arrin wax wayn laga qabtay oo aan xilligaan ka jirin saldhiga dhexe ee magaalada Garowe.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. (Kooshin)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com