Haweenka Somaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulma dhalmada (dhegayso)

Haweenka Somaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulma dhalmada (dhegayso)

Saynisyahanno ayaa sheegaya in joogteynta qallinka dumarka lagu sameeyo marka ay dhalayaan uu cawaaqib xumo ku yeelanayo horumarka uu jirka bani aadmigu sameeyo.

Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirkan.

Su’aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le’eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.

Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.

Haddaba Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Puntland Drs Xabiibo Nuur Ismaaciil oo ka mid ah dhakhtarad qaabilsan arrimaha caafimaadka haweenka Puntland ayaa waxaa ay sharaxaysaa waxyaabaha keenaya in dumurka lagu qallina lagu sameeyo marka ay dhalayaan .

Drs, Xabiibo Nuux Ismaaciil, ayaa ka aragti duwan soo jeedinta warbixintaan waxayna u aragta qalliinka dumarka lagu sameeyo xilliga dhalmada in uusan waxba kaga duwanayn in gabadhu ay sida caadiga u umusho .

Wariyaheenna Axmed Sheekeeye ayaa Khadka telefoonka ku waraystay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com