Haweenka degmada Carmo oo soo dhoweeyey madaxwaynaha cusub ee Puntland (Dhegeyso)

Boosaso,January 14, 2014 Xaflad lagu taageerayo madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari.

Waxaa soo abaabulay haweena degmada Carmo , ayadoona gabagbadii xafladda laga soo saaray talooyin madaxwaynaha cusub looga dalbanayo inuu xooga saaro sidii haweenka xuquuqdooda uga heli lahaayeen dowladdiisa inay xilal ka qabtaan.

Halkaan ka akhriso bayaanka oo dhamaystiran

Waxaan Halkaan Hanbalyo uga direynaa? Anaga oo ah Haweenka? Degmada Carmo? Mudane Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas

Waxaanu kuugu hanbalyayneynaa Xilka madaxweynaha Puntland? ee Aad ku guuleysatey Shanta sano ee soo socota(( 2014-2018))

Waxaana ku leenahay (Allaah? ha kula qabto) Xilka adage e aad qaaday? Insha allah

Waxaa kale oo Aan hanbalyo uga direynaa? uga direynaa madaxweyne ku xigeenka? cusub? Mudane :C/xakiin C/laahi Cumar? iyo Ra?iisal baarlamaanka? Mudane :Siciid Xasan Shire ,Intaba waxaan leenahay ahaada kuwa dadkooda dalkooda diintooda? anfaca? oo wax u qabta? in sha allah

Waxaa kale oo xusid mudan Ciidamadii sugayey amniga intey doorashadu socotey ee puntland ,,

Gudigii doorashooyinya? puntland Isimada Culimadii iyo Haweenkii? dhalinyaradii isku xilsaartay in ay doorashadu ku dhacdo sinabada? ilaahayna laqabtay waxaan leenahay weligiin ahaada kuwa dalkooda dantooda dadkooda daacad u ah

Waxaan kale oo hadana hanbalyo u direynaa hadaan nahay haweenka degmada carmo ,

Mudane :C/raxmaan Maxamed maxamuud Faroole? Madaxweynihii hore ee Puntland sidii wanaagsanayd ee oo uu usoo maamulay shantii sano ee hore oo ay ka muuqatey geesinimada iyo hawlkarnimadu? markii damena hadii lagaga guuleystey xilkii madaxweynenimada? sidii wanaagsanayd oo uu u ajiibey waxaanu leenahay? hanbalyo ahaw oday soomaliyeed? insha allah

Intaasikadib? Mudane Madaxweyne C/weli Cali Gaas Waxaanu kaa codsaneynaa si xushmad iyo qadarin leh maadaama aan baarlamaankii hore xubnihii aanu kulahayn aanaan wada helin In aanu ka helo xukuumada aad soo dhisi doonto xubno muhiim ah ,sida wasiiro, wasiir ku xigeen,Agaasimayaal? golaha degaanka sida konsolada ,maamulka gobolada? dawlada ay soo xulayaan odayaasha inaad naga siiso qoondo shuruudna uga dhigto iney haweenka ku soodaraan iyagoo aan loo soo marin odayaasha loo dhigo banaankaas

Waayo oday walbaa wuxuu wadaa wiilkiisa iyo ina adeerkiis iyo walaalkiis sidaas darted haweenka oo xaq uleh iney ka qaybqaataan horumarka iyo siyaasada puntland mahelaan kaalimahooda iyo doorkooda dawladnimo wexeynu ognahay hooyadu iney tahay lafdhabarka aduunka ama beertii aduunka hooyadu waa tan dhashay Anbiyadii suubanaa? saalixiinta madaxweynayaasha Culimada geesiga IWM wexey mudantahay xushmad gaar ah.

Diiwaanka wararka

Daljir Daljir

Dhegeyso: Bashiir Cumar Cali oo daljir ka tirsan ayaa war-bixin ka diyaariyey baaqa haweenka Carmo


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com