Haweeney Soomaali ah oo lacag dibadda uga soo diri jirtay Al-Shabaab oo la xukumay

Haweeney Soomaali ah oo lacag dibadda uga soo diri jirtay Al-Shabaab oo la xukumay

Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday Ururka Al-Shabaab.

Xukunka lagu riday Farxiya Xasan, oo 38-jir ah, ayaa aad uga yar 8-dii sano oo ay dalbadeen dacwad oogayaasha.

Horraantii sanadkan ayay xeerbeegti ka tirsan maxkamadda degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ku xukuntay in ay maleegaysay in ay taageero maadi ah siiso Alshabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ka mid ahayd ilaa 15 haween ah oo si joogta ah lacago yar u diri jiray si ay u taageeraan Al-Shabaab.

Isku soo wada duuboo, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ku deeqday ilaa $300 muddo saddex sano ah.

Haweeneydan, oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay Nederland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen.

Markii hore waxa ay ka dagaalantay in loo diro xabsi 7 sano ah, ka hor inta aan la keenin Mareykanka si ay u wajahdo maxkamad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com