Haweenay Muslimad ah oo Lagu Khasbay Inay Xijaabka Tuurto Ayaa Lagu Abaalmariyey 85,000

Haweenay Muslimad ah oo Lagu Khasbay Inay Xijaabka Tuurto Ayaa Lagu Abaalmariyey 85,000

Haweenay Muslimad ah oo ay ku qasbeen booliiska Californian ee dalka Maraykanka in ay xijaabka iska bixiso ayaa la gudoonsiiyay lacag dhan $85,000 oo doolar.

Kirsty Powell ayaa dacwad ku soo oogtay dowlada hoose ee magaalada Long Beach ka dib markii lagu qasbay in ay xijaabka bixiso.

Haweenaydan ayaa waxa ay booliiska xireen 2015 markaasi oo la sheegay in ay ku qasbeen in ay xijaabka bixiso.

Codsi ay jeedisay Ms Powell oo ahaa in ay arrinteeda la tacaalaan haweenka ka tirsan booliiska ayaa la iska dhiga tiray ,waxa ayna habeenkaasi ku bariday xabsiga iyada oo aan xijaabnayn.

Maamulka magaaladasi ayaa tan iyo xilligaasi waxa ay badaleen nidaamkooda ku aadan astaanta diimaha.

Haweenka askarta ah ayaa hadda waxaa laga doonayaa in marada madaxa ugu duuban ay isaga bixiyaan meel aysan joogin ragga askarta ah iyo maxaabiista waxaa sidaasi wargayska Los Angeles Times u sheegay ku xigeenka xeer ilaaliyaha magaalada Long Beach Monte Machit.

Hasa yeeshee,golaha dowladda hoose ee magaalada Long Beach iyo golaha xiriirka muslimiinta maraykanka ayaa isku raacay in kiiskan la xaliyo.

Golaha xiriirka muslimiinta maraykanka ee loo soo gaabiyo CAIR, oo iyagu qaaday tilaabadani dacwada ka dhanka ah dowlada hoose ayaa waxa ay sheegeen in booliiska ay si qasab ah xijaabka uga bixiyeen Ms Powell iyada oo ay goobta joogaan rag isugu jira askar iyo maxaabiis.

Kirsty Powell ayaa waxa ay dhacdadaasi ku tilmaamtay mid dhibaato qota dheer ku reebtay maskaxdeeda.
Barta internetka ee lagu magacaabo ABC7 ayaa sheegtay in la soo saaray sadex warqadood oo lagu soo xirayo haweenaydan balse imika la laalay amarka warqadahaasi lagu soo xirayo.

Xigasho BBC

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com