Haweenay Ajaanib ah oo Muqdisho Xalay lagu Afduubay

Haweenay Ajaanib ah oo Muqdisho Xalay lagu Afduubay

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa xalay lagu afduubay Haweenay u shaqaynaysay Hay’adda ICRC lagu afduubtay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Rag hubeysan oo aan la garaneyn ayaa Gabadhaas Cadaanka ah waxa ay ka afduubteen Guri ay degan yihiin Shaqaalaha Hay’adda ICRC oo ku dhow Hotelka Shaamow ee laami yaraha degmada Wadajir.

Afduubka Gabadhaas ayaa waxaa Daljir u xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdi Fitaax waxa uuna sheegay Gabadha lagala baxay Gurigii ay deganeyd,isla markaana Gari lagu qaatay.

Ciidamadda Amniga ayaa marki uu afduubka dhacay sameyeey Howlgal balse uma suurta galin inay badbaadiyaan haweenaydaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com