Hawada Soomaaliya oo laba todobaad kadib laga hagi doono Muqdisho

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay laba todobaad kadib in hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho, iyadoona laga soo wareejinayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo laga maamulayay muddo 27sano oo dalka uu burbur ka jiray.

Wasiirka ayaa waraysi uu siiyay idaacadda VOA-da waxaa uu ku sheegay hadda inay socoto rakibidda qalabka lagu maamulayo hawada oo ay gacanta ku hayso hay’adda ICAO ee QM.

Waxaa uu sheegay shaqaalle isugu jira Soomaali iyo ajnabi inay maamuli doonaan hawada Soomaaliya marka la rakibo 28ka bishaa soo aadan ee Janaayona ay tahay waqtiga kaba dambayn shaqada la bilaabayo.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii, hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulayay magalaada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com