Hargeysa & Raage maanta waxba ma ay dhowran!

Hargeysa & Raage maanta waxba ma ay dhowran!

Dadka SSC-Khaatumo sannadkaan wuxuu u ahaa sannad halgan oo ay uga dhiidhiyeen dhiigoodii muddada dheer qubanayey, dhaqaalahoodii la boobayey iyo xadgudubyadii lala beegtay ciqdigooda iyo sharafkooda, taas oo ay u dheerayd kalaqaybin dad iyo deegaan.

Hoggaamiye dhaqan, siyaasi, aqoonyahan, haween, dhallinyaro, dhammaan bulshada SSC-Khaatumo waxay isla qaateen, iyadoo laga duulayo tiirarkii salka u ahaa tabashadoodii soo taxnayd toban sano ka badan, in ay ka madaxbannaanaadaan maamulka Somaliland, danahoodana u maamushaan dad ahaan iyo deegaan ahaanba.

Iyada oo halgankii xoreynta SSC bartamaha looga jiro, dadka deegaanka iyo dhaqankooduna isku raaceen u madaxbannaanaanta danahooda guud iyo masiirka dadkooda iyo deegaankooda, ayaa maanta waxaa Hargeysa ka dhacay arrin ugub ku ah dhaqanka Soomaalida.

Maamulka iyo madax-dhaqameedka Somaliland oo hoggaan ahaan iyo beel ahaan loo tiriyo hal beel waxay magaalada Hargeysa ka soo dajiyeen Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ka soojeeda qoys dhaqan oo SSC oo soojireen ah, taariikh dheerna ku leh Soomaali dhexdeeda. Maamulka iyo madax-dhaqameedka Somaliland waxa ay boqradeen shakhsi ka soojeeda beel kale, oo waliba colaad beeleed iyo mid maamul oo ba’ani ay dhextaal. Somaliland oo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaadada kale ee SSC ee Laascaanood ugu yeerta argagixiso waxay maanta u xafladeysay oo nabad ka raadisay Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo dadkiisa iyo deegaankiisaba aan warba u hayn, doorbidayna in uu ka weecdo doonista dadkiisa.

Waa wax dhaca in qof siyaasi ahi uu ka weecdo rabitaanka dadkiisa iyo deegaankiisa, waana la arkay hadda iyo horayba, balse hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo dadka ku abtirsada ama ka soojeeda qoys dhaqan sida la arko waa kuwo markasta ku gawracan oo u hoggaansan rabitaanka shucuubta ay ku matalaan dhaqanka, waana kuwo dhawrta dhegtooda sharafeed. Hargeysa iyo Raage maanta waxba ma ay dhowran!

Diiwaanka Daljir | SOOMAALIYA

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com