Hambal Maadaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka tanasaulay in uu usii tartamo Wareega sedexaad oo ah wareega ugu dambeeya ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.



Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in uu tanaasulay , isagona ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Doorashada taariikhiga aheed ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho



Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Maxamed Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliya in lala shaqeeyo Madaxweynaha cusub ee la doortay.



Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageersanaa uguna sacaba tumayay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, waxaana guud ahaan caalamka ka bilowday dabaal degyo waa weyn.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com