Site icon Radio Daljir

Hal qof ayaa dhintay dhawr qof oo kalena waa dhaawac isku dhac labo gaari

Inta la xaqiijiyeu hal qof ayaa dhintay dhawr qof oo kalana waa ay dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kuwa xamuulka ah.

Shilka labadaan gaari ayaa ka dhacay meel u dhaw Yakayaka oo hoosta degmada Qardho oo gobolka Karkaar ah.

Weli ma jirto faahfaahin buuxda oo ku saabsan sida wax u dhaceen iyo tirada dhabta ah ee khasaaraha.

Shilalka gaadiid ayaa aad u badan deegaannada Puntland, siiba jidka laamiga ah ee dheer ee iskugu jira magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Badanka saraakiisha nabadgalyada waddooyinka ayaa amarka Alle ka sokow ku sababeeya shilalka  waddooyinka oo liita iyo waddis xumo xagga darawaliinta ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

Exit mobile version