Habeenkii ugu horeeyey ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la suray dhulka oo xalay la xusay

Habeenkii ugu horeeyey ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la suray dhulka oo xalay la xusay

Munaasabad wayn oo uu ka qaybgalay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, guddoomiyaha baaramaanka, maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano ayaa ka qaybgalay munaasabad wayn oo lagu xusayo habeenkii ugu horeeyey ee ciidda Soomaaliyeed laga taagay calan xor ah.

26june 1960,kii saqdii dhexe  xalay oo kalle ayaa calanka Soomaaliya laga taagay magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland.

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa munaasabad kadhacday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ka sheegay sida muhiimka ay u tahay wadaniyadda, waxaana uu sheegay wadada kaliya ee gumaystihii dalka looga adkaaday inay ahayd wadaniyad.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed wadaniyadda in laga shaqeeya, oo qof walba uu ka tago qabyaalad iyo nin jiclaysiga.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com