Guuddoomiye Jawaari: “Looma Dulqaadan Karo Baajinta Kulamada Baarlamaanka” (dhegayso)

Guuddoomiye Jawaari: “Looma Dulqaadan Karo Baajinta Kulamada Baarlamaanka” (dhegayso)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, ayaa maanta
sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la baajiyo kulamada Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada inta ay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka aysan saxiixin imaatinkooda.

Waxaa kale oo Guddoomiye Jawaai sheegay in maanta kulanka Baarlamaanka ay soo xaadireen 104 Xildhibaan oo kaliya.

Jawaari ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaanadii ka maqnaa fadhiga maanta lagu madalsanaa, kuwaasi oo aanan soo xaadirin kulankii maanta ee qorshaha uu ahaa in shaqooyinkii Baarlamaanka dib loo bilaabo. Kooramka Sharciga ah ee kulamada Baarlamaanka ay ku furmaan ayaa wuxuu yahay 139 Xildhibaan, haddii ay soo xaadiraan 138 Xildhibaan, kulanka lama furi karo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com