Guterres:” Maanta markii ugu horeysay Golaha Ammaanku wuxuu hal cod kaga hadlay nabadda Ukraine”

Guterres:” Maanta markii ugu horeysay Golaha Ammaanku wuxuu hal cod kaga hadlay nabadda Ukraine”

Madaxa Qaramada Midoobay Guterres ayaa soo dhaweeyay bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee lagu taageeray dadaallada uu ku doonayo in xal nabadeed loogu helo colaadda Ukraine.

“Maanta, markii ugu horeysay, Golaha Ammaanku wuxuu hal cod kaga hadlay nabadda Ukraine,” Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. “Adduunku waa inuu isu yimaadaa si loo aamusiyo qoryaha oo loo ilaaliyo qiyamka Axdiga Qaramada Midoobay.”

Guterres ayaa dhowaan booqday Moscow iyo Kyiv isagoo furay waddooyin bini’aadantinimo si loogu oggolaado dadka rayidka ah inay ka baxaan meelaha ay wajahayaan dagaallo culus.

Dadaallada gargaarka milatari ee cusub ee Maraykanku siiyo Ukraine, oo uu ku dhawaaqay Biden Jimcihii, ayaa qiimaheedu dhan yahay $150m sida uu sheegay sarkaal u hadlay Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com