Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug oo Aqbalay xil ka Qaadista lagu sameeyay

Arbaco, Abriil 08, 2015 (Daljir) —Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa siweyn usoo dhoweeyey Cabdulqaadir Shire oo uu madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug ayaa sheegay in xilka dowladnimadu uu yahay mid dadku isiman yihiin, qofkasta oo muwaadin reer Puntland ahna xil loo magacaabi karo lagana qaadi karo markii loobaahdo.

Mudane Tigey ayaa sheegay inuu lashaqayn doono gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay xilka gudoomiyaha gobolka Mudug oo uu sheegay inuu soo gacan qabtay aadna usoo caawiyey mudadii uu ahaa gudoomiyaha gobolka Mudug, wuxuuna u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole iyo Madaxweyne Gaas.

Ugu dambayntiina gudoomihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa shacabka Puntland ku booriyey inay ka shaqeeyaan adkaynta ammaanka, ka qaybgalka horumarada dalka ka socda sida dhismaha wadooyinka iyo inay ka dhabeeyaan isku-tashiga Puntland.

By: Abdirashid Abshir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com