Gudoomiye Thaabit “Cadaalad Darada Waqtigeedu wuu Dhamaaday”.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabic Cabdi Maxamed oo Maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay Howlaha Dariseenta Degmooyinka Gobolka ayaa ka hadlay halka loo Marayo Howshaasi.

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay Howlaha Dariseenta, Cadaaladda ayuu sheegay in la’aanteeda aanan soconeen.

Waxa uu tilmaamay in ay Halbeeg ka dhiganayaan Cadaaladda si uu meesha ugu baxo Musuq-maasuq dhaca inta lagu guda jira Arrintaani, dadka shacabka ayuu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka, una gudbiyaan dadka ay ka cabanayaan, isagoona Ballan Qaaday in Tillaabo deg deg ah ay ka qaadi doonaan dadkaasi hadii uu warkooda gaaro.

Gudoomiye Thaabit ayaa tibaaxay in Dalka ay ka dhamaatay Cadaalad Darada lakala tirsan jiray, sidaa awgeedne shacabka ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen sidii aanan dib ugu soo laaban sida uu hadalka u dhigay.

Thaabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa madasha Daah furka Howlaha Dariseenta oo aheyd Degmada Kaxda kaga dhawaaqay in 7-da Janaayo ee sanadka 2018-ka ay qaban doonaan shir weyne uu ugu magac daray (Wada tashiga, Nabadeenta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir).

Shirkaas ayuu tilmaamay in looga wada hadli doono sidii loo gaari lahaa Wada tashiga iyo Nabadeenta Gobolka oo ah hal ku dhigga Shirka, ayna ka qeyb gali doonaan dad ehel u ah arrintaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com