Gudoomiye ku xigeenka golaha Shacabka oo Garoowe lagu soo dhaweyeey

Gudoomiye ku xigeenka golaha Shacabka oo Garoowe lagu soo dhaweyeey

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa maanta gaartay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Waxaa garoonka magalada garoowe ku soo dhaweyey qaybaha kala duwan ee maamulka gobalka Nugaal, wasiir ku xigeenka gargaarka Puntland,xildhibaano ka tirsan golaha shacabka bjfs iyo masuliyiin kale.

Gudomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka bjfs marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa deeq gargaara gaarsiisay maamul gobaleedka puntland si abaarta daran ee goboladda Puntalnd ka jirta gurmad loogu fidiyo.

Guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa sheegtay inaysan ahayn deeqdii ugu danbeysay aysan ahayn balse si dadka liita loogu gurmado ay deeqdan u soo hormariyeen shacabka Puntland.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com