Gudoomiye Ku xigeenka Barlamanka oo shegay in fasax la’aan xildhibaano ku maqanyihiin

Gudoomiye Ku xigeenka Barlamanka oo shegay in fasax la’aan xildhibaano ku maqanyihiin

Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/Wlai Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in Xildhibaanada ay si iskood ah isku Fasaxeen iyadoo ay shaqooyin Culus uyaalaan.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada aysan Iman Kulmaada Golaha Shacabka, ayana iska Maqnaadaan iyadoo aan laga waqabin.

C/Wali Sheeklh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Saaka oo kaliya ay dalka isaga dhoofeen ku dhowaad 20 Xildhibaan iyadoo aan laga warqabin wax fasaxna aysan ka heysan Gudoonka Baarlamaanka.

Fasaxa ayuu sheegay in sifo sharci ah uu leeyahay oo lagu Boxo balse aysan Baarlamaanka umuuqan arintaa iyagoo Nidaamka Baarlamaanka ka warqaba.

Golaha shacabka ayaa maanta ka doodayay hindise sharciyeedka xeerka Sharikadaha dalka Company Low,waxaana uu Guddoomiye Muuddeey ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com