Gudoomiye Jawaari oo Shaki laga Muujiyay

Axad, Oktoobar 11, 2015 (Daljir) — Qaar ka mid ah Xildhibaanada ku Saxiixan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Su’aalo ka keenay qaabka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu u xalinayo Mooshinka.

Xildhibaan Maxamuud Guure oo ka mid ah Xildhibaanadaas ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku Xad gudbayo Xeer hoosaatka Baarlamaanka,waxaana uu tilmaamay in Xitaa hadii la galayo wada hadal in ay raadin doonaan Cid ka madax banaan Guddoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale Axmed Aadan Axmed oo Asna ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xusay in Xildhibaanno gaar ah lagu Casuumay Shirkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadda ayaa intaa ku daray in aysan garan karin xilliga uu Garsoor isku badalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com