Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hanbalyo u diray shacabka Soomaaliyeed maalinta ciida owgeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey Munaasabada Ciidul Fidriga oo maalintii koowaad lagu jiro.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dadka Salaadii Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheyga ayaa sheegay in aad hanbalyo ugu dirayo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Allah ayaa mahad oo dhan sugnaatay kaas oo nawaafajiyey bishii qeyrka badneyd ee ramadaan, allah hanaga aqbalo cibaadada iyo Soonkii aan soo soonay, waxaan idin leeyahay dhamaantiid Hanbalyo maalinta Ciida owgeed” sidaas waxaa masjidka Isbaheysiga ka sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo qeyb ka ahaa Masuuliyiintii masjidka wax uga tukaday.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com